Dark Mode
  • Wednesday, 04 November 2026
Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah Ugu Biirtay Bangiga Afreximbank

Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah Ugu Biirtay Bangiga Afreximbank

 

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga mid noqotay Bangiga Dhoofinta iyo Soo-dajinta ee Afrika (Afreximbank), taasoo ka dhigaysa dalkii 53-aad ee xubinnimada ka helay hay’addan maaliyadeed ee ka shaqeysa guud ahaan qaaradda Afrika.

Ku biiritaanka Soomaaliya ayaa lagu caddeeyay qoraal rasmi ah oo uu saxiixay Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Hirsi Jaamac Gaani, waxaana lagu sheegay in Soomaaliya ay aqbashay heshiiska aas-aaska ee bangiga, isla markaana ay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo dedejiyo ansixintiisa.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku tilmaantay tallaabadan mid fure u ah kobaca dhaqaale ee dalka, horumarinta kaabayaasha ganacsiga iyo warshadaha. Sidoo kale, waxay xustay in xubinimadan ay Soomaaliya ka caawin doonto ka qeybgalka dadaallada lagu xoojinayo isku-xirka dhaqaalaha Afrika, gaar ahaan iyada oo loo marayo Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika (AfCFTA).

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Guddiga Agaasimayaasha ee Afreximbank, Prof. Benedict Oramah, ayaa si diirran u soo dhoweeyay go’aanka Soomaaliya, isagoo sheegay in iskaashigan uu faa’iido u yeelan doono labada dhinac. Dhankiisa, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdullaahi, ayaa carrabka ku adkeeyay in ganacsatada Soomaaliyeed ay caan ku yihiin firfircoonida iyo hal-abuurka dhaqaale, wuxuuna ugu baaqay inay si wanaagsan uga faa’iidaystaan fursadaha uu Afreximbank bixinayo.

Soomaaliya ayaa sanadihii dambe dadaal badan gelisay sidii ay uga mid noqon lahayd ururrada iyo dalladaha qaaradda, waxaana horraantii sanadkan ay si rasmi ah uga mid noqotay Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Comment / Reply From