Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Farmaajo oo Ka Hadlay Weerarkii Lagu Beegsaday Madaxweynaha
Muqdisho (Sahalcable TV) – Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa si adag u cambaareeyey qaraxii argagixisada ee maanta ka dhacay afaafka hore ee Madaxtooyada, kaasoo lagu beegsaday kolanyada Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Farmaajo ayaa weerarkan ku tilmaamay mid halis ku ah dowladnimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed, isagoo xusay in falalka noocan oo kale ah ay muujinayaan wejiga dhabta ah ee kooxaha argagixisada ah ee caadeystay daadinta dhiigga shacabka iyo burburinta hantidooda.
Madaxweynihii hore ayaa tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay qaraxa, wuxuuna Alle uga baryay inuu u naxariisto. Sidoo kale, wuxuu bogsiin degdeg ah u rajeeyay dadka dhaawacmay.
Dhanka kale, Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay si wadajir ah ugu istaagaan ciribtirka kooxaha argagixisada ah, islamarkaana ay garab istaagaan ciidamada geesiyaasha ah ee dagaalka kula jira kooxahaasi.
Dhacdooyinkan ayaa imanaya iyadoo dhowaan safaaradda Mareykanka ay digniin kasoo saartay suurtagalnimada weerarro argagixiso oo ka dhaca Muqdisho, taasoo muujineysa xaaladda amniga ee caasimadda oo mar kale walaac laga muujinayo.
Comment / Reply From
You May Also Like
Popular Posts
Newsletter
Subscribe to our mailing list to get the new updates!